Home / Somali News / Baarlamaanka Labada Aqal oo Maanta Muqdisho lagu dhaarinayo

Baarlamaanka Labada Aqal oo Maanta Muqdisho lagu dhaarinayo

Muqdisho–KNN–Magaalada Muqdisho, waxa maanta la filayaa in ay ka dhacdo munaasabad lagu dhaarinayo xildhibaannada baarlamanaaka cusub ee Soomaaliya ,kuwaas oo lagu soo kala doortay xarrumaha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Waxa sidoo kale uu muran ka taagan yahay xubnaha aqalka sare ee Somaliland ka iman lahaa oo aan wali la soo xulin.

Sidoo kale, madasha wadatashiga qaran, ayaa war murtiyeed ay ka soo saaren kulan ay Muqdisho ku lahaayeen labadii maalin ee ugu dambeysay isku raacay in xildhibaannadii lagu mursanaa ee 11-ka ahaa, 7 kamid ah la fasaxo ,halka Afarta soo hartay iyo Xildhibaan kale oo Galmudug lagu soo doortay iyagana dib loo doorto.

Ammaanka Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa Saaka u xiran Ciidamada Dowladda ,waxaana si gaar ah loo adkeeyay Ammaanka xarunta Akadeemiyada Booliska ee Gen Kaahiye oo ay ka dhaceyso Xafladda Dhaarinta.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top