Home / Somali News / Beesha Caalamka oo War ka soo saartay Doorashada Soomaaliya

Beesha Caalamka oo War ka soo saartay Doorashada Soomaaliya

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wadamada Taageera Soomaaliya ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashada Soomaaliya iyo sidoo kale Xaaladda Guud Ee Dalka.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in Wadamada Daneeya Arrimaha Soomaaliya ay Walaac ka qabaan Kordhinta Xubnaha Aqalka Sare ee Hogaamiyaasha Madasha ay dhawaan ku sameyeen Aqalka sare islamarkaana ay 18 Xubnood ku dareen Tiradii hore.

“Xubnaha lagu Kordhiyay Aqalka Sare waxaa ay ku yimaadeen Talaabo aan laga fakarin,waxaa Habooneyd in la sameeyo Doorashada Madaxweyne ka dib”ayaa lagu yiri Qoraalka Beesha Caalamka.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday Baarlamaanka Cusub ee Maanta la dhaarinayo in ay Deg Deg u Cayimaan Doorashada Guddoonka Labada Aqal  iyo Tan Madaxweynaha islamarkaana aysan doorashadu dhaafin Bisha Janaayo ee soo socota.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top