Home / Somali News / Waa kuma ninka ugu da’da weyn Baarlamaanka Federaalka ee noqon doona Guddoonka KMG

Waa kuma ninka ugu da’da weyn Baarlamaanka Federaalka ee noqon doona Guddoonka KMG

Xildhibaanada cusub ee labada Aqal Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in la dhaariyo, iyagoo yeelan doona kalfadhigii 1aad ee Baarlamaanka 10-aad.

Baarlamaanka ayaa dooranaya ninka ugu da’da weyn, si uu u noqdo Guddoomiye KMG ah, inta laga soo dooranayo Guddoon cusub oo rasmi ah.

Ninka ugu da’da weyn ee loo badinayo inuu noqon doono Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ah saddex nin midkood.

Cusmaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Gobolada Waqooyi ee dhowaan lagu doortay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu yahay ninka ugu da’da weyn ee Baarlamaanka labada Aqal, waxaana la sheegayaa inuu dhashay sanadkii 1939, inkastoo aan si rasmi u hubin taariikhdaas.

Waxaa lagu wadaa inuu noqdo Guddoomiyaha KMG, sidoo kale ninka kale ee ku soo xiga ayaa waxaa uu yahay Shariif Sheekhuna Maye Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska, kaasoo ka mid ahaa Xildhibaanadii lagu soo doortay Baydhabo.

Sidoo kale ninka saddexaad ee ugu da’da weyn Baarlamaanka labada Aqal ayaa ah C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo isna horay u soo noqday Wasiirkii Arrimaha Dibadda xukuumaddii KMG aheyd iyo xilal kale dowladihii hore.

Baarlamaankii sanadkii 2012 ayaa ninka ugu da’da weynaa ee noqday Guddoonka KMG ayaa waxaa uu ahaa Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo markii dambe loo magacaabay Safiirkii Talyaaniga u fadhiyay Soomaaliya, balse bilo ka hor laga qaaday.

Baarlamaanka cusub ayaa marka uu doorto Guddoomiyaha KMG oo ah ninka ugu da’da weyn ayaa waxaa lagu wadaa inuu magacaabo Guddiga doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, kaasoo ka koobnaan doona Guddoomiye, Kuxigeeno, iyo Afhayeen iyo xubno.

Xigasho Jowhar.com

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top