Home / Somali News / Baarlamaanka Cusub oo dhawaan ka doodi doona Xiliga la qabanayo Doorashada Madaxweyne ee Dalka

Baarlamaanka Cusub oo dhawaan ka doodi doona Xiliga la qabanayo Doorashada Madaxweyne ee Dalka

Muqdisho–KNN–Iyadoo Shalay la dhaariyay Baarlamaanka Cusub intiisa badan islamarkaana Baarlamaanka Labada Gole ay sheegeen Kulankii Koowaad ayaa waxaa laga sugayaa baarlamaanka in ay shaaciyan Xilliyada la qabanayo Doorashada Guddoonka Labada Aqal iyo mida Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Cusub Cismaan Cilmi Boqore ayaa sheegay in ay ku shaqeyn doonaan oo Kaliya Dastuurka iyo Xeer Hoosaadyada u degsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Cismaan Cilmi Boqore ayaa sheegay in Kulamada ugu horeeya Baarlamaanka ay ku Go’aamin doonaan Doorashada Guddoonka Labada Aqal Xilliga la qabanayo iyo sidoo kale mida Madaxweynaha Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa Baarlamaanka Cusub ka Dalbatay in ay Dedejiyaan Doorashada Guddoonka Labada Aqal iyo Midda Madaxeynaha intaba.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top