Home / Somali News / Kenya oo Kordhisay Bandawgii Saarnaa Magaalada Mandheera

Kenya oo Kordhisay Bandawgii Saarnaa Magaalada Mandheera

Dowladda Kenya ayaa waxaa ay Kordhisay Banddawgii saarnaa deegaaanadda Maamul Goboleedka Mandheera.

Xoghaya Arrimaha Gudaha Kenya joseph Nkaissary ayaa Kordhiyay Bandawwgii Saarnaa Magaalooyinka, Mandheera, Cumar Jillo, Carabia,Fino, Lafey katulo, iyo Ceel Waaq waxaana Bandawgas uu socondoonaaa illaa 28 ka March ee Sanadda 2017.

Maamul Goboleedka Mandheera ayaa waxaaa uu kujiray Bandaw Tan iyo 26 kii bishii October,  ee Sanadkaan kadib markii mandheera uu ka dhacay weerar ay fulliyeen Dagaalmaayasha Al-shabaab oo ay ku dhinteen 12 Ruux oo loogu galay Hotelkii ay degenaayeen.

Amarka Kordhinta Bandawga ayaa waxaa uu saameeyndoonaa Dadka Tuulooyinka iyo deeganadda kale eek u Yaalla illaa 20 KM Xuduudda ay Wadaagaan Soomalia iyo Kenya kuwaasi oo Guryahooda ku jiri Doonaa inta u dhexeeysa 6:30 Maqribnimmo iyo 6:30 Subaxnimmo, Dadka Deegaanka ee doonaya in ay Banaaanka Ubaxaan Xilliga Bandowga Waxaa ay ubaahan Doonaan in ay Fasax kahelaan Gudoomiye ku xigeenka.

Maamul  Goboleedyadda Gobolka Woqooyi bari ayaa waxaa ay ku jireen ilaalo joogto ah oo aysammeeynayaan Ciidamadda Amaanka Kenya kadib weerarro dhowr ah oo Al-shabaab ay ku qaadeen Gobolkaasi,  Weerarkii ugu Dhimashadda Badnaana Waxaa uu ahaa kii Bishii April ee Sanadii 2015 ay ku qaadeen Jaamacaddii Magaaladda Gaarisa,  oo ay ku dhinteen 147 Ruux.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top