Home / Somali News / Shilal kala duwan oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Shilal kala duwan oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho–KNN–Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa Galabta Gacanta ku dhigay Gaari kuwa Xamuulka qaada ah oo Wadada Afisiyoone ku jiiray Mooto Bajaaj ay la socdeen Dhowr Qof,waxaana halkaas ku dhaawacmay Labo Qof.

Labada Qof ee dhaawacmay ayaa la sheegay in dhaawaca soo gaaray uu yahay mid Culus,waxaana loo qaaday Goobaha Caafimaad ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Koox Dableey ah ayaa Isgoyska Afar-irdood ee Degmada Xamar-weyne ku dhaawacay Labo Qof kadib markii ay Rasaas ku fureen Dad Shacab ah oo halkaas ku sugnaa,iyadoo ay isla goobta ka baxsaday.

Sidoo kale Degmada Xamar-weyne ayaa Maanta Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Wadooyinka ee Taraafikada loo yaqaano Rasaas uu furay waxey Haleeshay Nin Oday ah oo Xiligaas Miisaan Saarnaa si uu Culeyskiisa u ogaado.

Maalmihii dambe ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay Dilalka ay Ciidanka Dowladda u geysanayaan Dadka Shacabka ah.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top