Home / Somali News / Ciidamada AMISOM oo lagu Weeraray Degaanka Calamada

Ciidamada AMISOM oo lagu Weeraray Degaanka Calamada

Calamada–KNN–Ciidan ka tirsan Howlgalka Midawga Afrika ee AMISOM ayaa Galabta lagu Weeraray Degaanka Calamada oo u dhaw Ceelasha Biyaha,waxaana Markii hore loo dhigay Qarax Miino,iyadoo Qaraxa uu Xigay Weerar Toos ah oo Shabaabku ay ku qaadeen Ciidamada.

Sidoo kale Ciidanka AMISOM ee Degan Arbacow ayaa Madaafiic uga Jawaabay Weerarka lagu qaaday Ciidanka AMISOM ee Calamada lagu Weeraray,waxaana aan la ogeyn Khasaaraha kala gaaray Ciidanka AMISOM iyo Shabaab iyo sidoo kale midka Dadka Shacabka ah s00 gaaray.

Dhinaca kale waxaa Dagaal u dhexeeya Labo Ciidan uu hadda ka socdaa Degmada Afgooye gaar ahaan Suuq-yaraha Degmadaasi ee Raashinka lagu iibiyo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada oo aan la Xariirnay ayaa ka Gaabsaday in ay Faah-faahin ka bixiyaan waxa Sababay Dagaalka Labada Ciidan.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top