Home / Somali News / Dowladda Soomaaliya oo Laga Cabsi qabo in Markale ay Joojiso Qaadka

Dowladda Soomaaliya oo Laga Cabsi qabo in Markale ay Joojiso Qaadka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga Cabsi qabaa in ay Joojiso Todobaadyada soo socda Qaadka Kenya ka yimaada Sababo la Xariira Dowladda Kenya oo ka baxday Heshiiskii Labada Dowladood ay galeen.

Qaar kamid ah Warbaahinta Kenya iyo kuwa Soomaalida ayaa Qoray in laga Cabsi qabo in Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqdo Go’aan ah in ay Mar kale Joojisay Qaadka haddii aan Dowladda Kenya wax isbedel ah la imaan.

Heshiiskii bishii September ee ay gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhigayay in Kenya ay joojiso Diyaaradaha rakaabka ee lagu baaro garoonka Wajeer, taasoo dhib badan ku qabaan muwaadiniinta Soomaaliya iyo in la fududeeyo dal ku galka Kenya oo isna dhib badan ku qabaan Dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay tagaan Kenya.

Labada qodob ayaa dowladda Kenya codsaday in muddo 3-bilood loo siiyo, si ay u dhaqan geliso, iyadoo mudada 3-bilood ku ekeyd 13-kii bishan December.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka Carootay in Dowladda Kenya ay dhaqan gelin weyso Heshiiskii Labada Madaxweyne ay gaareen,iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Heshiiskaas dhaqan gelisay dhankeeda Maalin kadib.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top