Home / Somali News / Maamulka Degmada Jalalaqsi oo ka hadlay Qof ku Qarxay Degmadaas

Maamulka Degmada Jalalaqsi oo ka hadlay Qof ku Qarxay Degmadaas

Jalalaqsi–KNN-– Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulle Fiidow oo la hadlay Warbaahinta ayaa Faah-faahin ka bixiyay Qof ku Qarxay Degmadaas.

Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa sheegay in Qof ka mid ah dadka Degaanka uu isku Qarxiyay Maqaayad ku taalla Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan islamarkaana aysan jirin Cid kale oo Khasaare ka soo gaaray Qaraxa.

Guddoomiye Fiidow ayaa intaa ku daray hadalkiisa in Qofka is Qarxiyay uu dhaawac Culus soo gaaray,balse dhaawacii soo gaaray uu u dhintay.

Shabaab waxaa ay dhankooda sheegeen in Ciidamada AMISOM ay ku Qarxiyeen Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top