Home / Keydka Sawirada / Musharax Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo la Kulmay Xildhibaanada Labada Aqal Jubbaland

Musharax Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo la Kulmay Xildhibaanada Labada Aqal Jubbaland

Muqdisho, 29, Sept, 2016 – Musharax Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  Magaalada Muqdisho waxaa uu Qado sharaf ugu sameeyay xildhibaannada labada Aqal ee Jubalandlaga soo Doortay, waxaana uu qadada kaddib Hadal Dhiiri Galin ah ka Jeediyay Musharax Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Musharaxa ayaa Sharaxaad ka bixiyay hadafkiisa siyaasadeed, iyo waxyaabaha uu qaban-doono waxaa uu yiri

“Dalkaan 16sano kaddib umma baahna siyaasad aan hiil u ahayn ummadaan, waxaan u baahannahay in aan ka dhabayno dhaarta aan dalkaan u marnay, waa in aan dhowrnaa Dastuurka Dalka iyo xeerarka caalamig ah, waa in aan la macaamil-naa aduunka iyo Dowladaha dariska ah” Ayuu yiri Musharax Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

“Dalka waxaa uu u baahanyahay hoggaamiye dadajiyo dhismaha ciidan qaran lana Tayeeyo Ciidamada Soomaaliyeed si Meesha looga Saaro kooxaha Xagjirka, waxaan ku kalsoonahay in aan ahay shaqsi ay dhab ka tahay noolaynta iyo tayaynta noocyada ciidamada Qaranka iyo hay’adaha Nabadgalyada dalka” Sidaasi waxaa yiri Musharax Farmaajo.

Waxaa munaasabada ka hadlay ku dhawaad 20 xildhibaan oo ka kala tirsan labada aqal ee baarlamaanka Jubaland, waxayna dhammaantood si guud ugu baaqeen in ay ka shaqeyn Doonaan in ay Codkooda Siiyaan Hogaamiye ay u Baahan Yihiin Shacabka Soomaaliyeed,Sidoo kale  waxay hoosta ka xariiqeen in mudane Farmaajo uu yahay hoggaamiye ku habboon in uu dalkaan Madaxwayne ka noqdo, xildhibaannadu waxay xuseen in ay baahi-wayn u qabaan hoggaamiye ummadaan dhiban u dhowro xaquuqdooda si ay waajibaadkooda u gutaan.

Kulankaan ayaa waxaa uu qayb ka yahay Ololaha Doorashada Musharax Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si xowli ah  uga socda magaalada Muqdisho.

IMG-20161228-WA0009_1 IMG-20161228-WA0013_1 IMG-20161228-WA0020_1 IMG-20161228-WA0033

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top