Home / Somali News / War Deg Deg ah:- Shabaab oo laga saaray Degmada Afgooye

War Deg Deg ah:- Shabaab oo laga saaray Degmada Afgooye

Afgooye–KNN– Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaaha Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Magaalada ka baxeen,waxaana Saraakiisha Ciidanka Dowladda ay Radio Kulmiye u sheegeen in ay Magaalada ka saareen Shabaabkii Caawa soo Weeraray Degmada Afgooye ee Gobolaja Shabellaha Hoose.

Goobjoogeyaal ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab ay Magaalada uga Carareen Meydad,waxaana hadda Xaaladdu ay tahay mid degen.

Dhanka kale Dadka ku dhintay Dagaalka Caawa waxaa ku jira Sargaal ka tirsan Ciidamada Dowladda oo lagu Magacaabo Daahir Digoote oo Caan ka ahaa Magaalada Afgooye.

Maamulka Degmada Afgooye iyo Saraakiisha Ciidamada weli kama hadlin Dagaalka Al-shabaab ay Caawa ku soo qaadeen Degmada Afgooye.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top