Home / Somali News / Ahlusunna oo sheegtay in Ciidanka Jabuuti iyo kuwa Galmudug ay Weerar ku soo yihiin Degaanadooda

Ahlusunna oo sheegtay in Ciidanka Jabuuti iyo kuwa Galmudug ay Weerar ku soo yihiin Degaanadooda

Dhuusamareeb–KNN– Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay in ay heleen Xog ah Weeraro ay Qorsheyneyaan Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Galmudug ee ku sugan Cadaado islamarkaana ay Weerar ku soo yihiin Degaanada ay hadda Maamulaan.

Idaacad ku hadasha Afka Maamulka oo ka taala Dhuusamareeb ayaa laga baahiyay in Ciidamo ka tirsan Howlaglka AMISOM oo ka socda Dowladda Jabuuti iyo kuwa Maamulka Galmudug ay Weerar ku soo yihiin Degaanada ay hadda Maamulaan Ahlusunna.

Ahlusunna ayaa intaa ku dartay in ay ka warheleen Duulaan Ciidankaas ay ku soo yihiin Degaano uu ka mid yahay Mareergur islamarkaana ay u diyaar Garoobeen.

Galmudug iyo Saraakiisha Jabuuti weli kama hadlin Warka ka soo yeeray Ahlusunna Waljamaaca.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top