Home / Somali News / Baarlamaanka Cusub oo Kulankoodii Labaad Beri yeelan doona

Baarlamaanka Cusub oo Kulankoodii Labaad Beri yeelan doona

Muqdisho–KNN– Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya ayaa Beri oo Sabti  ah yeelan doona Kulankii Labaad,waxaana la filayaa in Beri Baarlamaanka Labada Aqal uu shaaciyo Xilliga kama dambeysta ah ee la dooranayo Guddoonka Labada Aqal iyo Madaxweynaha.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale Magacaabi doona  Guddiga ka shaqeyn doona Doorashada Guddoonka Labada Aqal.

27-kii Bishaan ayey aheyd markii Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya intiisa badan la dhaariyay islamarkaana Baarlamaanku uu yeeshay Kulankii ugu horeeyay.

Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya ayaa waxaa u yaalla Hadda Shaqooyin Culus oo ay ka mid yihiin Doorashada Guddoonka Labada Aqal iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top