Home / Somali News / Meydadka Shan Al-shabaab ah oo Degmada Afgooye lagu soo bandhigay

Meydadka Shan Al-shabaab ah oo Degmada Afgooye lagu soo bandhigay

Afgooye–KNN–Taliyaha Ciidanka Birmadka Gobolka Shabeellaha Hoose Col. Nuur Xayir Cali Gaas oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Dagaalkii Xalay ay soo qaadeen Dagaalameyaasha Al-shabaab ay ku Jabiyeen sida uu hadalka u u dhigay.

Col. Nuur Xayir ayaa sidoo kale KNN u sheegay in Magaalada Afgooye ay ku soo bandhigeen Meydadka Shan Shabaab ah oo Dagaalkii Xalay looga dilay,waxaana uu ugu baaqay Dhalinyarada u dagaalamaya Shabaab in ay Dolwadda isku soo dhiibaan oo ay ka soo laabtaan Fakerka Al-shabaabnimada.

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose Xalay waxaa ka dhacay Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo Dagaalameyaasha Al-shabaab ,kadib markii Xarakada Al-shabaab ay soo weerartay Magaalada Afgooye.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top