Home / Somali News / Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Degmada Afgooye oo Xalay ay Al-shabaab soo galeen

Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Degmada Afgooye oo Xalay ay Al-shabaab soo galeen

Afgooye–KNN– Wararka Saaka laga helayo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose oo Xalay qeybo ka mid ah ay Al-shabaab la wareegeen ayaa sheegaya in Xaaladda Magaalada ay degen tahay.

Maamulka Degmada Afgooye ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Soomaaliya ay Saaka Baaritaano ka wadaan Xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Afgooye.

Saraakiisha Ciidanka ee ku sugan Afgooye ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka dileen Labo Dagaalame,waxaana Ciidanka Dowladda la sheegay in Dagaalka looga dilay Sargaal lagu Magacaabi jiray Daahir Digoote.

Waa Markii Labaad oo Sanadkaan sii dhamaanaya ay Al-shabaab qabsadaan qeybo ka mid ah Degmada Afgooye oo Caasimadda Soomaaliya Galbeedka ka xigta 30 KM.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top