Home / Somali News / Baarlamaanka Cusub oo Maanta Ansixiyay Lacagta ay Bixinayaan Musharaxiinta

Baarlamaanka Cusub oo Maanta Ansixiyay Lacagta ay Bixinayaan Musharaxiinta

Muqdisho–KNN–Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta Kulankii ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxaa ay ku Ansixiyeen Lacagta laga qaadayo Musharaxiinta isku soo sharaxa Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya intaba.

Baarlamaanka ayaa isku raacay in Musharaxiinta isu soo taaga Guddoomiyaha Baarlamaanka laga qaadayo 15 Kun oo Dolarka Mareykanka ah.

Sidoo kale Musharaxiinta u Tartamaya Xilka Madaxweynaha ayey sheegeen in laga qaadi doono 30 Kun oo Dolarka Mareykanka ah.

Isla Kulanka ayey ku Magacaabi doonaan Baarlamaanka Guddiga ka soo shaqeyn lahaa Doorashada Guddoonka Labada Aqal.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top