Home / Somali News / Khilaaf soo kala dhexgalay Mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca

Khilaaf soo kala dhexgalay Mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca

Dhuusamareeb–KNN–Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Khilaaf Xooggan uu soo kala dhexgalay Mas’uuliyiinta Maamulka Ahlusunna Waljamaaca,Khilaafkaas oo Salka ku haya Qeybsiga Wasiiro ay u sameyneyaan Maamulkooda.

Saadaq Sheekh Yuusuf Sheekh Ibraahim oo ah Madaxweyne Kuxigeenka Ahlusunna iyo Taliyaha Ciidamada Ahlusunna Macalin Mascuud ayaa la sheegay in ay isku haystaan Wasiirka Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Wasiirada ay dhisayaan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada Ahlusunna ay la kala safteen Labada Masuul,iyadoo Xiisadaas laga dareemayo Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top