Home / Somali News / Madaxweynaha Burundi oo Ku Hanjabay inuu Ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya

Madaxweynaha Burundi oo Ku Hanjabay inuu Ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya

Madexweeynaha Dalka Burundi ayaa Jimcihii Shalay ku Hanjabay in uu labaxayo ku dhawaad 5500 oo Askari kuwaas oo qeeyb ka ah Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM oo aan Lacag la Siin ku dhawaad Hal Sanno.

Haddii aan Mushaaraad la Siin Bisha January, Burundi waxa ay in kabadan 5400 oo Askari kala Soobixi Doontaa 22,000 ee Dowladda TabartaYar ee Soomaaliya ka Difaaca Weeraradda Alshabaab ayuu Yiri Madexweeynaha Burundi Pierre Nkurunziza.

Ciidamadda Dowladda Burundi ee Qeeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee Amisom ma eysan Hellin wax Mushaar ah Muddo 11 Billod ah, Xilli Dowladda Burundi iyo Midowga Europe oo Bixinaya Mushaaradka ciidamadda uu u dhexxeeyo Qilaaf, Islamarkaana Midowga Europe uu Burundi ku ee deeyay Xadgudub ka dhan ah Xuquuqul insaanka.

Qilaafka u dhexxeey Midowga Europe iyo Dowladda Burundi ayaaa waxaa uu salka ku hayaa Cambaareeyn midowga Europe uu u soo Jeediyay Madexweeyne NikurinZiza, kadib markii uu Xilligii Sedexaad uu ku Guuleeystay Xilka Madexxtinimo, ee Burundi, Waxaana Midowga Europe waxaa uu Hakiyay Mushaarkii uu Dowladda Burundi uSoo Marsiin jiray Ciidamadeeda ka Jooga Soomaaliya ee Qeeybta ka ah midowga Africa.

Hadalka Madexweeyne Nikurinziza ayaa Imaanaya iyadoo Afayeenka Buurubdi uu Billowgii isbuucaan shaaciayay in Dowladda Burundi ay Diyaarisay Ciidamadii Badali lahaa Sedex Guuto oo ka mid ah ciidmaadda Burundi ee ka TirsanHowlagalka Midowga Africa ee AMSOM.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top