Home / Somali News / Qaraxyo is Xig xiga oo ka dhacay Magaalada Baqdaad

Qaraxyo is Xig xiga oo ka dhacay Magaalada Baqdaad

Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay, 40 kalena way ku dhaawacantay laba qarax oo ka dhacay suuq mashquul badan oo ku yaalla Baqdaad.

Saraakiisha dowladda Ciraaq ayaa sheegaya in labada qarax ay ka dheceen bartamaha suuqa.

Suuqa la qarxiyay waxaa lagu iibiyaa qalabka gawaarida, sida Booliska ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyadda weerarka oo ku bilowday qarax is miidaamin ahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Ciraaq ayaa laga soo xigtay in qof uu is qarxiyay, ka dibna dadkii u soo gurmaday dhaawaca lagu qarxiyay gaari.

Caasimadda dalka Ciraaq waxaa dhowaanahan ku soo badanayay qaraxyada ka dhaco meelaha dadka ay ku badan yihiin.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top