Home / Somali News / Ahlusunna oo Dhuusamareeb ku Xirtay Sargaal ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya

Ahlusunna oo Dhuusamareeb ku Xirtay Sargaal ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya

Dhuusamareeb–KNN–Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay Magaalada Dhuuso-Mareeb Ee Gobolka Galgaduud  ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlu-sunna ay gacanta ku dhigeen Todobaad kahor Sargaal ka tirsan Ciidamada Nabadsugidda Soomaaliya oo lagu Magacaabo Daahir Aadan Faarax .

Sargalkaan lagu xiray Dhuuso-Mareen ayaan la ogeyin sababta markii hore uu utagay Magaaladaas balse hadda wararka aan helnay ayaa sheegaya in Maamulka Ahlu-Sunna ay ku doonayaan siideyinta Daahir Madaxfurasho ah Maxaabiis is weydaarsi.

Masuuliyiin ku sugan Dhuuso-Mareeb oo an la xiriirnay ayaa si hoose noogu sheegay inay doonayaan Sargaalkaan ay hayaan inay ku badashaan Maxaabiis gacanta ugu jira Maamulka Galmudug oo lagu qabtay Dagaalkii Deegaanka Godin-Labe.

Majiro war rasmi ah oo ka soo kala baxay Labada dhican ee Ahlu-Sunna iyo Galmudug oo deeganadoodu ay ka howlgalaan Ciidamda Nabadsugidda Soomaaliya.

 

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top