Home / Somali News / Ciidanka Somaliland oo Duleedka Buuhoodle ku dilay Labo Qof

Ciidanka Somaliland oo Duleedka Buuhoodle ku dilay Labo Qof

Buuhoodle–KNN–Wararka ka imaanaya Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Duleedka Magaalada Ciidanka Somaliland  ay ku dileen Labo  oo Shacab ah.

Guddoomiyaha Degmada Buuhoodle ayaa Radio Kulmiye  u sheegay in Ciidanka Somaliland ay dileen Labo Qof oo Rayid ah islamarkaana watay Gaari Booyad ah oo Dad Reer Guuraa ah ay biyo ugu wadeen.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in aysan Ogeyn Sababta loo beegsaday Dadka Rayidka ah ee lagu dilay Duleedka Magaalada.

Saraakiisha Somaliland weli kama hadlin Eeda ah dila Labada Qof ee Rayidka ah ee lagu dilay Magaalada Buuhoodle Duleedkeeda.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top