Home / Somali News / Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug oo Muqdisho Heshiis ku gaaray

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug oo Muqdisho Heshiis ku gaaray

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ka wada hadleen colaada magaalada Gaalkacyo wayna gaareen Heshiis la doonayo in xal looga gaaro colaada ka jirta magaaladaas.

Qodobada ay ku heshiiyeen Labada Madaxweyne ayaa waxaa ka mid ah in si deg deg ah leesugu furo isku socodka dadka iyo gaadiidka Labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo iyadoo la kala qaadayo ciidamada.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in magaalada la geeyo ciidamo Boolis ah, iyo in bisha labaad ee sanadka cusub mar kale leesugu soo laabto mar kale kulan wada hadal ah.

Heshiikaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland ayaa balanq aaday inay fulinayaan heshiiskaan ay ku gaareen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top