Home / Somali News / Daacish oo la sheegay inay ku fashilmeen joogitaankooda Soomaaliya.

Daacish oo la sheegay inay ku fashilmeen joogitaankooda Soomaaliya.

Daraasad laga soo saaray dalka Masar ayaa lagu sheegay in kooxda Daacish ay ku fashilantay joogitaankeedi Soomaaliya,waxana wali si adag ay ku doonayaan in khilaafa islaamiya ay ka hirgaliyaan Soomaaliya marka loo eego meesha istiraatiijiyada ah ay kaga taalo Soomaaliya,waxana Daacish ay kula tartamaysa Al-qaacida joogitaankedi Africa gaar ahaabn bariga Qaarada iyo Waqooyiga.

Darasadaan ayaa cinwaan looga dhigay “kooxda Dacish jiritaankeedi iyo caqabadaha haysta” waxaa lagu yiri kooxda ayaa dhex muquuranaysa dhibaatooyin adag,mustaqbalka ay kusii joogi karaan Soomaaliya ma ahan mid sahlan marka loo eego sida ay dhinaca kale ay Al-shabab ula dagaalamayso ayna ku beegsanayaan meel waliba ay saldhig ka dhigtaan taa oo aanan suurta galin doonion joogitaankoodi dalka.

Dacish ayaa damacday markii ay Al-shabab dhexdooda khilafad kala soo dhex galay ayna saldhigyo dhowr ah oo bartamaha iyo Koonfurta ay baneeyen in guud ahaan ay la wareegaan goobaha ay maamulaan Al-shabab

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top