Home / Somali News / Dowladda Sacuudiga oo dhameestirtay qorshe lagu shaqaaleesiinayo Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Dowladda Sacuudiga oo dhameestirtay qorshe lagu shaqaaleesiinayo Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Dowladaha Somaliya iyo Sucuudi Carabiya ayaa Dhameeystiray Hishiis Dowladda Sucuudigu ay ku shaqleeyn Siineeyso Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Wargeeyska Gulf News ee kasoo Baxa Sucuudi Carabiya ayaa Dublamaasiyiin Soomali ah oo aan Magacooda la shaaacin Kasoo Xigtay in Wasiirka Shaqada iyo Shaaqaalaha Soomaaliya uu Booqonayo Sucuudiga Si uu Usixiixo Hishiika Kama Dambeeysta ah ee Doowladda Sucuuidi Carabia ay ku Qaadaneeyso Shaqaale Soomalia ah oo Garaya 10,000 oo Ruux Wajiga Koowaad.

Wadahadaladda u dhexeeyay Wasiiradda Shaqada iyo Shaqaalaha Sucuudi Carabiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ay socdeenMuddo Billo ah waxaana Hishiiskaas lagu Xadidayaa Xuquuqda Shaqaalaha Somalida ah ee ay Qadaneeyso Doowladda Suucuudi Carabia, Sida ay Sheegeen Dublamaasiyiinta la Hadlay Gulf news.

Saafaradda Doowladda Soomaliya ay ku leedahay Sucuudi Carabiya ayaaa waxaa ay Codsiyo Badan ka Heshay Shirkadaha Waaweeyn ee Sucuudiga, kuwaas oo ka Codsanaya in ay ubaahan yihiin Shaqaale Soomalia ah.

Hishisska u dhexeeya Dowlaha Sucuudi Carabiya iyo soomaliaya ayaa waxaa Lafilayaa in uu Meesha Kasaaro Xad gudubka loogeeysto Soomalida kashaqeeysata Dalka Sucuudi Carabiya.

Horay ayaa dalka Sucuudi Carabiya waxaa Waxyeelo loogu Geeystay Muwaadiniin Soomaliyeed oo Hishiis aan sharci ahayn ugu shaqeeynayay Shirkado Ganacsi.

 

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top