Home / Somali News / Qarax Baqdaad ka dhacay oo ay ku dhinteen 35 ruux

Qarax Baqdaad ka dhacay oo ay ku dhinteen 35 ruux

Ugu yaraan soddon iyo shan ruux ayaa ku dhintay qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay suuq mashquul ah oo ku yaalla magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

In kabadan lixdan kale ayayna dhaawacyo ka soo gaareen weerarkaasi oo ka dhacay degmada Sadri ee caasimadda dalkaaasi.

Ururka isku magacaaba Dawladda Islaamka ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas.

Wararka ka imanaya goobta ay wax ka dhaceen waxay sheegayaan in dadka ay dhibaatadu soo gaartay ay u badnaayeen xoogsato shaqo maalmeed soo raadsatay.

Bam kale ayaa la soo sheegay in lagu qarxiyay meel u dhaw isbitaal ku yaalla bariga magaalada Baqdaad halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan saddex ruux.

Weerarkaas ayaa dhacay iyada oo madaxwaynaha Faransiiska oo dalkaas booqanaya uu sheegay in ciidammadiisa ku sugan Ciraaq ee tababarka wada in ay gacan ka gaysteen ka hortaga weerarro argagixiso oo ka dhici lahaa gudaha Farnsiiska.

_93205936_d5559f29-7798-4c46-b4ed-f62c2b48b7e1

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top