Home / Somali News / Faafaahin Qaraxyo ka dhacay iridka Xerada Xalane.

Faafaahin Qaraxyo ka dhacay iridka Xerada Xalane.

Qaraxyo Xoogan ayaa goordhaw ka dhacay agaagarka Xeradda Xalane oo fariisin u ah Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM waxana jira qasaaro ka dhashay Qaraxyadaasi.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Bartilmaameedka qaraxyadaasi,waxaa jira wararka qaar oo sheegaya in Qaraxyada lagu bartilmaameedsanaayay Hotel Peace oo ku yaala agagrka xerada Xalane.

Hotelkaas ayaa lagu qabtay Shirkii Madaxdda Urur Gobaleedka IGAD,waxaa haatan soconaya Gurmadyo kala duwan oo loo fidinayo dadka ku wax yeeloobay Qaraxyadaasi.

Qaraxii koobaad ayaa loo adeegsaday Gaari nooca Raaxada ah kaas oo lagu qarxiyay bar lagu baaro Gawaarida

Wararka ayaa intaa ku daraya in Bur bur xoogan uu geestay Qaraxii labaad oo ahaa Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay islamarkaana uu ku qarxay iridka laga galo xerada Xalane oo loo yaqaano Madiina Gate halkaas oo ay ku sugnan yihiin Ciidamo ka tirsan AMISOM.

Goob joogayaal ayaa idaacada Kulmiye u xaqiijiyay in Qaraxyada kadib ay maqlayeen dhawaqa risaas xoogan oo ka dhaceesa dhowr jiho in kastoo markii danbe xaalada ay si caadi ah ku soo noqotay.

wali si rasmi ah looma shaacinin Qasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxyadda ka dhacay Muqdisho,waxana la xaqiijiyay in aad ay u yaryihiin qasaraha ka dhashay Qaraxii labaad kaas oo inta la xaqiijiyay ay ku dhaawacmeen sadax ruux.

Waa Qaraxyadii ugu Horeeyay ee Sanadkaan Cusub ka dhaca Muqdisho.

Faafaahin intaas ka badan kala soco RadioKulmiye.net.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top