Home / Somali News / Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo Dad ku dhaawacay Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo Dad ku dhaawacay Muqdisho

Askari ka Tirsan Ciidanka Boliska Saldhiga Galbeed Degmada dharkeyley ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta Rasaas uu ku Furay Gaari Nooca Dad Weynaha ah ee Xambaara Waxaa ka Dhashay Rasaastaasi Khasare Dhaawac ah oo soo Gaaray Sadex qof oo mid ay tahay Haweney kuwaas oo kamid ah Shacabki Gaariga saarnaa

Hooyo Madiino Jimcaale oo kamid ah dadka ku haaawacmay Gaariga Rasaasta uu ku furay Askarigan Boliska ah ayaa Shegtay in Dhawac uu kasoo Gaaray Dhanka Garabka Waxayn idaacad kulmiye uga Warantay sida ay Wax U dhaceen

Askariga Boliska Dharkeynley ka Tirsan ee  Gaariga Dad Weynaha Rasaasta ku Furay ayaa Goobta ka Baxsaday kadib Markii uu Geystay Dhacadad Dadka Shacabka ay Waxyeelada kasoo Gaartay

Dhawaan ayeyna aheyd markii sidanoo kale Askari ka Tirsan Ciidanka ilaalada Degaanka ee Minishibiyada Rasaas uu ku Furay Dad Shacaba ahaa oo Ganacsaneyy ay ka Dhalatay Khasare Dhimasho oo soo Gaaray Laba qof oo Shacab ah iyo Dhawac qof kale iyadoona islamarkaana goobta uu ka baxsaday askarigaasi

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top