Home / Somali News / Ciidamada Dowladda oo dagaal kula Wareegay Degaanka Moora-gaabeey

Ciidamada Dowladda oo dagaal kula Wareegay Degaanka Moora-gaabeey

Moora-gaabeey–KNN–Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed ayaa Maanta dagaal kula wareegay degaanka Moora-gaabeey oo 30KM u jirta Degmada Xudur ee Gobolka Bakool Xarunta u ah.

Ciidamada ayaa sheegay in ay Fariisimo ka sameysteen Moora-gaabeey islamarkaana ay Magaalada ka saareen Shabaabkii ku sugnaa.

Dhanka kale waxaa Dagaal uu ka dhacay  degaanka Garasweyne oo  25 u jira Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ,waxaana ka dhacay Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab.

Ma jirto wax Khasaare ah oo ka dhashay Dagaalka Maanta ka dhacay degaanka Moora-gaabeey ee Gobolka Bakool,waxaana hadda degen Xaaladda  Magaalada.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top