Home / Somali News / Dhageyso:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Musuq Maasuqa Dalka ka jira

Dhageyso:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Musuq Maasuqa Dalka ka jira

Muqdisho–KNN– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Xalay hadal ka jeediyay Munaasabad lagu taageerayay Musharaxnimadiisa ah inuu Mar kale qabto Hogaanka Dalka ugu sareeya ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono Qodobadaan hadii uu ku guuleysto Xilka mar kale.

1- Inuu sameyn doono Hay’addo Amni oo dhameystiran oo Waajibaadkooda Qarannimo si Daacad ah u guta.

2- inuu dhameystiri doono Nidaamka Federaalka oo uu gaarsiin doono Heerka ay rabaan Bulshada Soomaaliyeed.

3-Inuu dhisi doono Nidaam Siyaasadeed oo Qaran

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay Musuq Maasuqa lagu Eedeeyo Dowladda uu Hogaamiyo,waxaana uu Tilmaamay inuu la dagaalami doono Musuqa la haray Magaca Dowladnimada.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh ayaa Baarlamaanka Labada Gole ka Codsaday in ay Codka siiyaan islamarkaana uu yahay Hogaamiye la soo tijaabiyay oo wax badan Fahansan,marka laga hadlayo Shaqsiga ay Soomaaliya u baahan tahay.

Halkana Hoose ka dhageyso Codka Madaxsweyne Xasan

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top