Home / Somali News / Kuuriyada Koofureed oo Muwaadiniinteeda u sheegtay in aysan Soomaaliya tagaan

Kuuriyada Koofureed oo Muwaadiniinteeda u sheegtay in aysan Soomaaliya tagaan

Dowladda Koonfur Kuuriya “South Korea” ayaa ka mamnuucday muwaadiniinteeda inay usoo safraan dalka Soomaaliya, sababo la xiriira dhanka amaanka.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda kuuriyada Koonfureed ayaa looga mamnuucay muwaadiniinta dalkaasi u dhashay inay u safraan dalalka Soomaaliya, Syria, Yemen, Libya iyo Afghanistan ilaa lixda bilood ee soo socota.

Dowladda waxay kordhisay muddada horey loo joojiyay in loosoo safraa dalalka Soomaaliya ay ku jirto, waxaana la gaarsiiyay ilaa 31 July.

Wasaaradda arimaha dibadda dalkaasi ayaa u sheegtay dadka u dhashay Koonfurta Kuuriya inay ka taxadaraan u safridda dalalka Soomaaliya ay ku jirto, cabsi dhanka amaanka ah darteed.

Waxaa loogu baaqay dadka hadda ku sugan dalalka amni darada laga sheegayo inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Mar sii horeysay qoraal kasoo baxay dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa looga digay muwaadiniinta dalkaasi u dhashay inay u safraan dalal Soomaaliya ay ku jirto.

Mar walbaa oo qaraxyo culus ay ka dhacaan magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka dalka, waxaa soo baxa digniino dadka ajaaniibta laga siiyo inay Soomaaliya usoo safraan, waxaana gudaha dalka ku sugan ajaaniib fara badan.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top