Home / Somali News / Mucaaradka Suuriya oo ku hanjabay inay heshiiska ka baxayaan

Mucaaradka Suuriya oo ku hanjabay inay heshiiska ka baxayaan

Xabad joojinta ayaa qasab ah inay si guud Suuriya oo dhan uga dhaqangasho

Dhowr kooxood oo ka mid ah mucaaradka Suuriya ayaa ku dhawaaqay inay ka baxayaan heshiiska ay garwadeenka ka yihiin Ruushka iyo Turkiga.

Waxay sheegeen in aysan ka qeybgali doonin kullanka bishan ka dhicidoono Khazakhistan.

Ururadan ayaa dowladda ku eedeynaaya inay jebisay heshiiska xabad joojinta ee afarta maalin soo socday.

Mareykanka iyo Ruushka oo ku murmay xabbad joojinta Suuriya

Mucaaradka ku go’doonsan Xalab oo xabad joojin dalbaday

Ruushka oo “aqbalay” 48 saac oo xabad joojin ah

War ka soo baxay mucaaradka ayey ku sheegeen in dhankooda ay u hogaansan yihiin xabad joojinta.

Balse, ciidamada dowladda Suuriya iyo maleeshiyaadka Iraan ee taageeraaya ayaa xadgudubyo badan sameeyay, sida ay kooxahan ku andacoodeen.

Dagaalyahannada Mucaaradka ee ku sugan al-Raci, Waqooyiga gobolka XalabImage copyrightREUTERS
Image captionDagaalyahannada Mucaaradka ee ku sugan al-Raci, Waqooyiga gobolka Xalab

Meelaha xabad joojinta lagu xadgudbay waxaa ka mid ah, Qowsa, iyo Wadi Barada oo ku dhow Dimishiq.

Waxay sheegeen in xabad joojinta ay jabeyso, haddii dowladda ay isku deydo inay dhul ballaarsi sameyso.

UN oo amaantay xabbad joojinta Suuriya

Golaha amaanka oo ansixiyay heshiiska Suuriya

Magaalada Wadi Barada, oo mucaaradka ay haystaan, waa barta biyaha ay ka hesho caasimadda Dimishiq.

Waxay dowladda ku eedeyneysay mucaaradka in biyaha ay naafto ku dareen.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top