Home / Barnaamijyada / Musharaxa Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad Xildh Khadiijo Diiriye Oo Shir Jaraa’id Kaga Hadashay Musharaxnimadeeda “DAAWO”

Musharaxa Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad Xildh Khadiijo Diiriye Oo Shir Jaraa’id Kaga Hadashay Musharaxnimadeeda “DAAWO”

Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildh Khadiija Maxamed Diiriye oo maanta shir jaraa’id ku qabatay hooyga ay ka degen tahay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixisay ololaheeda ku aadan musharaxnimada Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“maanta oo ay taariikhda tahay 03-January-2017 waxaan si rasmi ah halkaan uga dhawaaqayaa in aan ahay musharax u taagan qabashada xilka Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xilkaasi oo aan aaminsanahay in aan leeyahay karti iyo qibrad hogaamineed oo ku filan qabashadiisa”ayey tiri Musharax Khadiijo Maxamed Diiriye.

“waxaan kale oo aan rabaa inaan halkaan ka cadeeyo maalmahan waxaa dhegeheenna kusoo badatay hadii uu qof yiraahdo musharax in la yiraahdo yaa wata? Waxaan leeyahay Khadiijo Maxamed Diiriye Allaa wata wehel uma baahna, waxaan ahay qof ku tashanaysa garabka Alle iyo kalsoonida aan ku qabo walaalaheeyga Xildhibaannada Golaha Shacabka”ayey hadalkeeda sii raacisay Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

Intii ay saxaafadda la hadleysay shirkeeda jaraa’id waxa ay uga hadashay arimmo fara badan oo ay ka mid yihiin doorka iyo dadaallada ay u gashay hirgelinta qoondada haweenka intii ay xilalka kala duwan soo heysay waxaana ay rajo ka muujisay in ay ku guuleysato qabashada xilka Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka Shirka Jiraa’id iyo Sawiro

 

Sawir Musharax Khadijo 1 Sawir Musharax Khadijo 2 Sawir Musharax Khadijo 3 Sawir Musharax Khadijo 4

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top