Home / Somali News / Wasiir Hadliye oo walaac ka muujiyay Amaanka Dalka

Wasiir Hadliye oo walaac ka muujiyay Amaanka Dalka

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa sheegay in walaac xoogan oo dhinaca amaanka ah ay jirto iyadoo dalka Soomaaliya u diyaar garoobayo doorashada madaxweyne.

Hadliye ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wanaagsan loo sugo amaanka goobaha muhiimka ah e dowladda Soomaaliya.

“Qaraxyada waxaa ay ka dhacaan Meel walba oo Caalamka ka mid ah inta ay ka jiraan Argagixisada,anaga waxaan wadnaa Qorshe lagu Xaqiijinayo Ammaanka Muqdisho iyo Gobolada Dalka”ayuu yiri hadliye.

Shalay ayey aheyd Markii Qaraxyo Ismiidaamin ah lagu Weeraray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde,waxaana ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top