Home / Somali News / Al-shabaab oo Weerar ku qaaday Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe

Al-shabaab oo Weerar ku qaaday Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe

Jowhar–KNN– Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee Xarunta u ah Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Weerar ku soo qaadeen Kontoroolka Waqooyi ee Magaalada Jowhar.

Shabaab ayaa Weerarka soo qaaday Sagaalkii Saac ee Habeennimo,waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Ciidanka ku sugan Kontoroolka Waqooyi ee Magaalada Jowhar ee Xalay ay soo weerareen Shabaab ayaa sheegay in uusan jirin wax Khasaare ah oo ka soo gaaray Dagaalka.

Shabaab dhankooda weli kama hadlin Dagaalka ay ku soo qaadeen Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Jowhar waxaa hadda ka maqan Madaxda ugu sareysa Maamulka Hirshabelle oo kala ah Madaxweynaha,Madaxweyne Kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top