Home / Somali News / Madaxweynaha Hirshabeelle oo Maanta gaaray Magaalada Baledweyne

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Maanta gaaray Magaalada Baledweyne

Baledweyne–KNN– Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta tagay Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaanada  Cusub ee Gobolka Hiiraan ka soo jeeda oo uu ka mid yahay Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Kulan la leh Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Gobolka Hiiraan.

Baledweyne waxaa ku sugan Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo si weyn uga soo horjeeda Maamulka Hirshabeelle lamana oga in Madaxweynaha uu la kulmi doono iyo in kale.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top