Home / Somali News / Meydadka Labo Qof oo Caddaan ah oo laga helay Meel u dhaw Magaalada Marka

Meydadka Labo Qof oo Caddaan ah oo laga helay Meel u dhaw Magaalada Marka

Marka–KNN– Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Xeebta Degaanka Gandershe laga helay Meydadka Labo Ruux oo Caddaan ah islamarkaana Baddu ay soo tuftay sida ay noo Xaqiijiyeen Dad Goobjoogeyaal ah.

Meydadka ayaa Dadka Degaanka  Gandershe ay ku sheegeen inuu Jirkooda dhaawacyo ka muuqdo islamarkaana ay u badinayaan in ay yihiin Dalxiiseyaal.

Labada Ruux oo Meydkooda laga helay Xeebta Degaanka  Gandershe oo Hoostaga Degmada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ayaa kala ah Nin iyo Haweeney,waxaana Degaanka laga helay Meydadka Maamula Shabaab.

Sidoo kale Al-shabaab War ay ku Faafiyeen Wabsetyada Taageera ayey ku Xaqiijiyeen Meydadka laga helay Xeebta Degaanka  Gandershe,waxaana ay Xuseen in ay Aaseen Labada Ruux.

Ma jirto Cid Weli Ogaan karta Dalalka ay ka soo jeedaan Labada Qof ee Meydkooda laga helay Xeebta  Gandershe iyo  Dhibaatada sida ay u soo gaartay.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top