Home / Somali News / Sheekh Shariif, C/qaadir Cosoble iyo Tarsan oo kulan gaar ah Muqdisho ku yeeshay

Sheekh Shariif, C/qaadir Cosoble iyo Tarsan oo kulan gaar ah Muqdisho ku yeeshay

Kulan saacado qaatay ayaa dhexmaray qaar kamid ah musharixiinta ugu cad cad sanadkaan, waxaana kulanka uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kulanka ayaa u dhaxeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, musharax madaxweyne C/qaadir Cosoble Cali iyo Maxamuud Axmed Nuur Tarsan gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir.

Kulanka seddex geesoodka ah ayaa waxaa looga hadlay arimaha siyaasadda Soomaaliya iyo doorashooyinka ka dhacaysa dalka Soomaaliya.

Wallow aan warar rasmiya laga helin shirka gaarka ah ayaa haddana waxaa soo baxaya inuu jiro isbahaysi siyaasadeed oo ay sameynayaan musharixiinta ku kulmay magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa caasuumaada kulanka u fidiyay labada musharax ee uu la kulmay.

Waxaa muuqaneyso inuu jiro isbahaysi siyaasadeed oo ay sameynayaan mushariixinta ku kulmay magaalada Muqdisho, kaasi oo ka dhan ah madaxweynaha tallada dalka haya.

Shariif Sheekh Axmed iyo C/qaadir Cosoble Cali ayaa ah labo musharax oo isku heyb ah.

Xigasho Jowhar

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top