Home / Somali News / Xaaladda deg Dega ah ee uu ku jiro Turkiga oo la Kordhiyay

Xaaladda deg Dega ah ee uu ku jiro Turkiga oo la Kordhiyay

Baarlamaanka dalka Turkiga wuxuu u codeeyay in la kordhiyo xaaladda degdegga ah ee dalkaasi uu ku jiro.

Wuxuu baarlamaanka ogolaaday in seddax bilood laga badiyo amarka degdegga ah oo la soo rogay ka dib afgembigii fashilmay ee bishii July, 2016.

Hadda wuxuu sii socondoonaa illaa bartamaha bisha April ee sanadkan.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka, Numan Kurtulmus, wuxuu sheegay in kordhinta inay muhiim tahay.

Wuxuu tilmaamay in taageerayaasha wadaadka deggan Mareykanka ee Fethullah Gulen, ay weli si firfircoon uga howlgalaan xarumaha shacabka.

Wadaadkaasi Fethullah Gulen ayaa ku eedeysay abaabulka afgembiga fashilka ku dhammaaday.

Dowladda ayaa ka sifeysay, booliska, xeer ilaalinta, Militari, iyo waxbarashada, tobannaan kun oo qof oo looga shakisan yahay inay taageeraan wadaadkaas.

Gulen ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa afgembigaasi.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top