Home / Somali News / Ciidanka Puntland oo Qabtay Saddex Qof oo Ajaanib ay ku jirto

Ciidanka Puntland oo Qabtay Saddex Qof oo Ajaanib ay ku jirto

Ciidana badda Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay saddex maxaabiis ah oo labo kamid ah ay kasoo jeedaan dalka Yemen iyo nin Soomalia ah. kadib markii dagaalka uu xeebta Eyl ku dhexmaray ciidanka iyo maleyshiyo la socotay Doonyo kalluumaysi sharci darro ka waday xeebaha Puntland.

Ciidanka ayaa usoorto gashay inay sidoo kale gacanta ku dhigaan labo doonyood iyo qalabkii saaarnaa, halka labo doonyood oo kalena ay baxsadeen, sida Warbaahinta Puntland ay ka soo xigatay wariye lagu magacaabo Cabdishakur Gorgor oo ah suxufi madax bannaan oo ku sugan Eyl.

Labo kamid ah ragga la qabtay ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud, waxaana haatan lagu dabiibayaa isbitaal ciidanka baddu ku leeyihiin degmada Eyl.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top