Home / Somali News / Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta Furay Kulankii Koowaad ee Xubnaha Aqalka Sare

Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta Furay Kulankii Koowaad ee Xubnaha Aqalka Sare

Muqdisho–KNN– Madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka Furay Kulankii Koowaad ee Xubnaha Aqalka Sare,waxaana sidoo kale uu Xariga ka jaray xarun ay si KMG ugu sii shaqeyn doonaan Xubnaha Aqalka Sare oo ku taalla Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha oo Hadal Kooban u jeediyay Sanatarada Cusub ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay in ay iska Ilaaliyaan wax walba oo Khilaaf keeni kara islamarkaana ay ka shaqeyaan Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Xubnaha Aqalka Sare ay Xarunta Maanta ay ku kulmeen ku sii shaqeyn doonaan Bilooyinka soo socda.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top