Home / Somali News / Mareykanka oo mar kale ka hadlay Arrimaha Doorashada Soomaaliya

Mareykanka oo mar kale ka hadlay Arrimaha Doorashada Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay ka hadashay Doorashada Soomaaliya halka ay mareyso, arrimo ku saabsan Baarlamaanka cusub iyo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ugu horeyn soo dhaweeyay kulanka furitaanka ee Baarlamaanka Federaalka cusub ee Soomaaliya oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed, taas oo uu ku tilmaamay talaabo kale oo loo qaaday xagga xasiloonida siyaasadeed.

Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha Bulshada ee Dowladda Mareykanka John Kirby ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay wax lagu farxo in ay tahay in la mudeeyo waqtiga ay dhaceyso Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, isagoo sidoo kale ku baaqay in la soo da dejiyo Doorashada Madaxweynaha.

Sidoo kale Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay Musuq maasuqa baahsan ee ka jira Doorashada Soomaaliya, waxaana uu Madaxda Qaranka ugu baaqay in ay ilaaliyaan dhaqanka hufan ee lagama maarmaanka ah, si loo dhameystiro kuraasta ka harsan Baarlamaanka.

Dhanka kale Dowladda Mareykanka ayaa ka tacsiyadeysay Qaraxyadii 02-dii Bishan lagu weeraray Hotel Peace oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, kaas oo Mas’uuliyadiisa ay sheegteen Shabaab, waxaana uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu dambeyntii Maraykanka waxa uu sheegay in uu joogteynayo taageerada adag ee Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, si Doorashada Soomaaliya inta ay socoto looga hortago arbushaad dhacda.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top