Home / Somali News / Micheal Kitting oo maanta tagaya Magaalada Baledweyne

Micheal Kitting oo maanta tagaya Magaalada Baledweyne

Baledweyne–KNN–Wakiilka Gaarka ah ee QM u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Micheal Kitting  ayaa Maanta oo Khamiis ah tagaya Magaalada Baledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay in Maanta Magaalada Baledweyne uu imaanayo Danjire Micheal Kitting.

Baledweyne waxaa ku sugan Madaxweynaha Hirshabeelle oo Shalay Gaaray,waxaana aan la ogeyn Ujeedka rasmiga ah ee Micheal Kitting  uu Baledweyne u tagayo.

Sidoo kale Magaalada Baledweyne waxaa ku sugan Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo si weyn uga soo horjeeda Maamulka uu Madaxweynaha u yahay Cali C/llaahi Cosoble ee Hirshabelle.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top