Home / Somali News / Shan Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Gobolka Baay

Shan Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Gobolka Baay

War Qoraal ah oo Taliska AMISOM ay soo dhigeen Barta Twitter-ka ayey ku sheegay in Degaanka Seeydheelow oo 30KM u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ay ku dileen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya Shan Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.

Warka AMISOM ayaa lagu yiri”Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka oo is garabsanaya ayaa Howlgal Qorsheysan ka fuliyay Degaanka Seeydheelow ee Gobolka Baay,waxaa ay ku dileen Shan Shabaab ah oo Dadka Degaankaas dhibaato ku hayay”.

AMISOM warka ka soo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidankooda iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonaan Beegsiga ay ku hayaan Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhowr jeer Weeraro lagu dilay Rag ka tirsan Shabaab ka fuliyey qeybo ka mid ah Gobolada Dalka.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top