Home / Barnaamijyada / Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed Ee SONNA oo Maanta u dabaal degtay Markii la aas aasay”Sawiro”

Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed Ee SONNA oo Maanta u dabaal degtay Markii la aas aasay”Sawiro”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Talxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ugu hambalyeeyay Madaxda iyo Shaqaalaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA sanadguuradii 53-aad ee ka soo wareegtay aa-aaskeedii oo ku aadaneyd 5-tii Janaayo 1964-kii.

Wasiirka oo ka hadlaayay Munaasabadda lagu xusaayay sanad-guuradii 53-aad ee aas-aaska iyo sanad guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay markii dib loo howlgaliyay Wakaaladda SONNA oo lagu qabtay Xaruunta Wasaaradda Warfaafinta ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu aad ugu dheeraaday dadaalkii loo galay sidii ay dib ugu howlgalshay iyo dadaalkii ay ugu suurogashay inay ka soo dhalaalaan shaqadii loo egmaday.

“ in Hey’ad la kiciyo ma fududa balse juhdi dheer iyo dadaal dheer kadib waxaa noo suurtogashay in aan dib u howlgalino Wakaaladda SONNA, islmarkaana aan hirgalinno dhisme cusub, balse waan ku guuleysanay arrimahaasi oo dhan fulintooda waana ku ammaanayaa intii howshaasi ka qeybqaadatay” ayuu yiri Mudane Maareeye.

Wasiirka oo sii ambaqaadayay hadalkiisa ayaa sheegay in Wakaaladda SONNA dib loo howgaliyay sanadkii ee 2015-kii, isagoo qiray tan iyo waqtigaan ay qabatay howlo aad u muhiim ah ayna kasbatay dareenka shucuub badan iyo Wakaalado Warareed oo badan.

“ Wakaaladda Wararka ee SONNA waa isha kaliya ee laga xiga karo dhamaan wixii Warar ah ee ku saabsan gudaha Dalka Soomaaliya, waxayna masuul ka tahay soo ururinta, habeynta iyo faafinta Wararka, waxaana looga baahan yahay Hey’adaha Dawladda inay Wararka siiyaan Wakaaladda”, ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wasiirku waxa uu ugu dambeyntii ku booriyay Madaxda iyo Hawlwadeenada Wakaaladda Wararka ee SONNA inay laba jibaaraan howshooda, si ay uga jiba keenaan masu’uuliyadda ay qaranka u hayaan, islmarkaana ka haqabtiraan shacabka Soomaaliyeed Wararka iyo dhacdooyinka Dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba.

Munsaabaddasi oo ay ka so qeybgaleen Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf, Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaradda Warfaafinta, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed, Ururada Bulshada Rayedka, Warbaahinta Madxa banana qaarkood iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumay, ayaa waxaa kaloo ka hadlay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdullahi Colaad Rooble oo isna ka sheekeeyay dadaalkii loo soo galay dib u howlgalinta Wakaaladda Wararka ee SONNA, isagoo xusay in arrintaasi lagu guuleystay, islmarkaana loo baahan yahay in dadaalka halkii laga soo wado.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdirisaaq Yuusuf Cali Bahlaawi oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in Wakaaladda SONNA ay tahay meesha kaliya ee laga heli karo Warar sugan oo ka dhaca Dalka gudahiisa, loona baahan yahay in iyada oo kaliya la xigto sida ay ahaan jirta bari samaadkii.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Waranka Soomaaliyeed ee SONNA Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku dheeraaday waxqabadka iyo dadaalkii loo soo galay muddadii halka sano aheyd uu xilkaasi hayay,wuxuuna tilmaamay in la suurtogaliyay soo nooleynta Wakaaladda oo u qeybsan Qeybta Wararka Gudaha, Carabiga iyo Luuqadda Ingiriiska, kuwaasi oo suurtogaliyay in ay faafiyaan Warar ku kala qoran Soomaali, Carabi iyo Ingiriis.

“waxaa kaloo jira qeybta News Alert-ga oo Mobilada fariinta Warasrka loogu gudbiyo Masuuliyiinta Dalka iyo shacabka Soomaaliyeedba, waxayna kala socon karaan Wararka markaasi jira ama dhacdooyin soo kordha, iyagoo Raadiye ama Joornaal ama TV haysan oo waxa ay ugu soo dhacaysaa Telefoonka gacanta uu qofku wato, iyo qeyb kale oo Bullitin ah oo Emailka loogu diro Masuuliyiinta Dalka, Safaaradaha iyo He’adaha UN-ka” Ayuu yiri Agaasihe Cadaala.

Agaasimaha oo ka hadlaayay Xiriirada Wakaaladdu la leedahay Wakaaladaha Wararka ee Dunida waxa uu sheegay in ay la leyhiin in ku dhow 10 Wakaalado Warareed oo ay isdhaafsadaan Wararka iyo khibradaha, wuxuuna hoosta ka xariiqay in in goor dhow ay heshiis wada yeelan doonaa Wakaaladdaha Wararka ee INTERTASS iyo Reuter oo ka kala dhisan Wadamada Ruushka iyo Boqortooyada Midowday ee Britain.

Xafladaasi oo si weyn loo soo agaasimay waxaa heeso iyo murti ku aadan Waqbadka Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA halkaasi ka soo jeediyay Fanaaniinta Hobolada Qaranka ee Waaberi, ugu dambeyntiina waxaa shahaado sharaf la gudoonsiiyay shaqsiyaad iyo Madaxda Waaxyaha Wakaaladda SONNA iyo Shaqsiyaad kaalin mug leh ka qaatay taabagalinta howlaha Wakaaladda, waxaana goobtaasi ku guddoonsiiyay Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed cabdi Xayir Maareeye.

IMG_0387 IMG_0388 IMG_0408 IMG_0429 IMG_0433 IMG_0448 (1) IMG_0448 IMG_0544 IMG_0560 IMG_0574 IMG_0584 IMG_0591 IMG_0602 IMG_0707 IMG_0714 IMG_0774 IMG_0788

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top