Home / Somali News / Sirdoonka: Ruushku Doorashadii wuu Faragaliyay

Sirdoonka: Ruushku Doorashadii wuu Faragaliyay

Madaxda Hay’addaha Sirdoonka Maraykanka ayaa Khamiistii shalay ka marag kacay in caddeymaha ay hayaan ay muujinayaan in Ruusku uu faragelin ku sameeyay doorashadii madaxtinimada ee bishii November ka dhacday Maraykanka.

Laakiin madaxdan waxay sheegeen insan sheeg karin in faragelintaas ay caawisay guushii Donald Trump uu ku guuleystay madaxtinimada Maraykanka.

James Clapper, agaasimaha sirdoonka qaranka ayaa sheegay in Ruushku uu hore u farageliyay doorashooyinkooda, iyo kuwo kaleba, laakiin wuxuu sheegay inaanay hore u arkin ololahan tooska ah ee ay ku faragaliyeen geedi-socodka doorashada, ee ay ku sameeyeen doorashada Maraykanka.

Hadalkan madaxda ayaa ka hor-imanaya dhaliilaha madaxweynaha la Doortay ee Donald Trump oo isagu dhaliilsan soojedinta Sirdoonka Maraykanka ee ku aadan in Mosco ay doorashada faragelisay.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top