Home / Somali News / War Deg Deg ah:-Dhacdo Naxdin leh oo Caawa ka dhacday Degmada Walaweyn

War Deg Deg ah:-Dhacdo Naxdin leh oo Caawa ka dhacday Degmada Walaweyn

Walaweyn–KNN– Wararka naga soo gaaraya Degmada Walaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Caawa Degmada ay ka dhacday Dhacdo Xanuun badan,waxaana halkaas ku dhintay Saddex Carruur ah oo Walaalo ah.

Carruurta oo Maalmahaan qandhanaa ayaa la sheegay in Hooyadii dhashay Carruurta ay siisay Sunta Dhiqlaha,kadib markii Hooyadu ay ku qalada Dhalo ay ugu jirtay Sharoobada Xanuun Baabi’iyaha ah.

Mid kamid ah Dadka Degaanka ayaa Caawa Radio Kulmiye u sheegay in Aabaha dhalay Galabta uu keenay Sunta Dhiqlaha iyo Sharoobo Xanuun baabi’iye ah,waxaana Hoyadu ay ku qaladay Dhalada ay ku jirtay Sunta midii Daawada Kaarka Jabisa ay ku jirtay,waxaana halkaas ku dhintay Saddexdii Canug Inkastoo waxkasta ay ka Qornaayeen Xag Alle.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top