Home / Somali News / Dhageyso:- Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo Mudo kordhin u sameeyay Fasaxa Baarlamaanka Galmudug

Dhageyso:- Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo Mudo kordhin u sameeyay Fasaxa Baarlamaanka Galmudug

Muqdisho–KNN– Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir oo Saaka Shir Jiraa’id Saxaafadda ugu qabtay Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegay in Mudo Kordhin uu u sameeyay Baarlamaanka Galmudug oo Mudooyinkii dambe Fasax ku maqnaa.

Guddoomiye Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Markii uu Arkay Xaaladda Abaarta ah ee ka jirta Dhulka Soomaalidu ay degto gaar ahaan Deegaanada Galmudug iyo Doorashooyinka Dalka ka socda uu Baarlamaanka Galmudug Fasaxay Mudo dhan 45 Cisho oo ka bilaabaneysa 5-ta Janaayo oo ku Eg 20-ka Feebaraayo Bisha soo socota.

Fasaxa Baarlamaanka Galmudug ee Guddoomiyaha Baarlamaanka uu siiyay ayaa ku soo aadaya Xilli Maanta Xubno ka mid ah Baarlamaanka Galmudug oo uu ku jiro Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug loo diiday in ay ku Shiraan Madaxtooyada Magaalada Cadaado.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top