Home / Somali News / Dhageyso:- Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug oo lagu Eedeeyay inuu Diiday in Baarlamaanka Galmudug uu Shiro

Dhageyso:- Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug oo lagu Eedeeyay inuu Diiday in Baarlamaanka Galmudug uu Shiro

Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka  Galmudug Xareed Cali Xareed oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Maanta loo diiday in ay ku Shiraan Xarunta Madaxtooyada Galmudug gaar ahaan Xarunta uu Baarlamaanku ku Shiro islamarkaana la dhigay Ciidan ka amar qaata Madaxtooyada Galmudug.

Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo Wareysi gaar ah na siiyay ayaa sheegay in Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey uu maanta hor istaagay inuu Furmo Kalfadhigii  Afraad Ee Baarlamaanka Galmudug islamarkaana Xarunta uu ku Shiro Baarlamaanka uu dhigay Ciidan Hubeysan oo ka Amar qaata.

Xareed Cali Xareed ayaa sheegay in Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug uu Jabiyay Dastuurka islamarkaana uu ku Xad gudbay Baarlamaanka Galmudug oo ah Hay’add la siman Hay’adda Fulinta.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Galmudug

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top