Home / Somali News / Nin dabley ah oo 5 qof ku dilay Mareykanka

Nin dabley ah oo 5 qof ku dilay Mareykanka

Weerarkii Mareykanka

Booliska ayaa ninkaasi gacanta ku dhigay, haatanna waxa ay isku dayayaan inay go’aan ka gaaraan waxa ninkaasi ku dhaliyay inuu dadka laayo.

Ninkan hubeysan ayaa xabadd ku furay goob laga daabulo alaabaha shirkadaha Air Canada iyo Delta Airlines .

Dad goob joagayaal ah waxaa ay sheegen in ninkani uu amusnaa , isagoo rasaas ku furay iyadoo dadku ay isku dayayeeen in ay halkaasi ka baxsadaan.

Ciidamada ammaanka ayaa waxaa ay rumeysanyihiin in ninka weeraraka fuliyaya uu ahaa keligii , waxaan markii dambe la soo daad gureeyay rakaabkii ku xayirnaa garoonka diyaaradaha .

Ila iyo hada ma kala cada sababta ninkani uu weeraraka u fuliyay iyo in uu xiriir la leeyahay urur argagixiso.

Waxaa kale oo jiray warar ka soo baxay mid kamid xilibaanada aqalka Senate-ka oo magaca ninka weerarka fuliyay ku tilmaamay 26 jir ah la yirahdo Estaban Santiago , waxaana uu intaa ku daray in ninkaasi uu watay kaarka aqoonsiga ee Milatariga Mareykaka.

Guddoomiyaha ammaanka ee halkaasi na waxaa uu isna dhankiisa sheegay in ninkani uu ahaa rakaab gudaha la galay qorigii uu watay , isagoo na qoriga kusoo cabeystay musqusha.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top