Home / Somali News / Sacuudiga oo Soomaaliya u soo diraya Dhaqaatiir

Sacuudiga oo Soomaaliya u soo diraya Dhaqaatiir

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo la hadlay Idaacadda BBC Laanteeda Afka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Sacuudi Carabiya ay Soomaaliya u soo direyso Dhaqaatiir Baara Caafimaadka Xoolaha Soomaaliya.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Sacuudiga ay kala hadleen Wararka sheegaya in ay jiran yihiin Xoolaha Soomaaliya islamarkaana ay Sacuudiga u sheegeen in  waxba kama jiraan ay tahay Wararka sheegaya in Caafimaadka Xoolaha Soomaaliya uu yahay mid aan wanaagsaneyn.

“Dowladda Sacuudiga waaan kala hadalnay in ay Hubiso Wararka sheegaya in Caafimaadka Xoolaha Soomaaliya uu liito,waxaa ay noo balan qaadeen in Dhaqaatiir baarta Caafimaadka Xoolaha Soomaaliya ay u soo dirayaan Dalka Soomaaliya oo la geyn doono Magaalooyin ay ka mid yihiin Berbera iyo Boosaaso”ayuu yiri Wasiir Ciid.

Dowladda Sacuudiga ayaa horay u sheegtay in ay si KMG u Hakisay Xoolihii looga soo dhoofin jiray Soomaaliya Sababo ay ku sheegtay in Caafimaadkoodu uu liito.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top